Xafladdii qalinjabinta dufacadii 23aad ee kulliyadda Maamulka & Maareynta Jaamacadda

Waxaa hoolka Dr Cabdulqaadir ee Jaamacadda Bariga Afrika ka dhacday munaasabad qalinjabin ay dhigteen ardayda kulliyadda maamulka & maareynta (dufcadda 23aad), munaasabadaas oo ay kasoo qeyb galeen maamulka jaamacadda, qeybaha kala duwan ee bulshada sida: Isimada, Culimada, Shirkadaha, iyo dowlada.

Waxaa ugu horreyn lagu bilaabay munaasabadda aayado quraan ah oo uu soo jeedinayey ardayga Axmed maxamed Ismaaciil, intaas kaddib xafladdii ayaa laguda galay oo kalmaddii ardayda lagu bilaabay.

(Cabdifataax Maxamed Axmed) oo kamid ah ardayda qalinjabisay ayaa ku hadlay kalmadda ardayda, isagoo salaan iyo mahadnaq usoo jeediyey dhamaan kasoo qeybgalayaashii xafladda, isla markaana hambalyo iyo tahniyad usoo jeediyey ardayda qalinjabisay, wuxuu intaas ku daray in la iska kaashado shaqaalaysiinta ardayda qalinjabisay, laguna taageero in ay aqoontooda uga faa’iideeyaan bulshada.

(Fardowso Cabdirashiid Xuseen) ayaa sidoo kale kalmadda ardayda ku hadashay, ayadoo soo gudbisay warbixinta ardayda qalinjabisay, waxay sidoo kale xustay in waxbarashada gabdhaha ay tahay mid horumar laga gaaray, ayna ka muuqdaan goobaha waxbarashada si guud ahaan, iyo jaamacadaha si gaar ah-ba, waxay (Fardowso) ku boorisay gabdhaha in ay ku dadaalaan waxbarashada.

(Haashim Cabdulaahi Cismaan) oo kamid ah barayaasha kulliyadda maamulka iyo maareynta jaamacadda ayaa kalmadiisa uga mahadceliyey ardayda guusha ay ka gaareen noloshooda aqooneed, uguna baaqay in ay ka qeyb qaataan horumarka dalka dhinac walba.

(Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin) ayaa dhankiisa hambalyo usoo jeediyey ardayda qalinjabisay, uguna dardaarmay ka shaqeynta wanaaga iyo khayrka, iyo ka fogaanshaha xumaanta oo ay ugu horreyso tahriibka iyo waxa la mid-ka ah.

(Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan-Jecel) Af hayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale hambalyo usoo jeediyey ardayda qalinjabisay, isagoo u sheegay in ay tusaale u noqdaan jiilka dhalinyarada, oo ay ku dadaalaan ka wacyi galinta dhalinyarada tahriibta iyo wixii la midka ah.

(Cabdinaasir Siciid Muuse) Hormuudka Kulliyadda Maamulka & Maareynta Jaamacadda ayaa ka hadlay horumarka ay kulliyaddu gaartay, maamul ahaan iyo arday ahaan-ba, wuxuu si gaar ah u xusay in ay maamul ahaan ku taageerayaan ardayda wax walba oo ay qaban karaan, dhanka kalena looga baahan yahay shirkadaha iyo dowladda-ba in ay ka qeyb qaataan shaqaalaysiinta ardayda.

(Maxamed Maxamuud Ciise) Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda ayaa ka hadlay in ay qalinjabinta ay qalinjabiyeen ardayda dufcadda 23aad ee kulliyadda maamulka iyo maareynta ay tahay guul ay wada gaareen dhamaan ardayda iyo maamulka jaamacadda, wuxuuna usoo jeediyey ardayda in ay hal-abuur sameeyaan, fikradaha ay hayaan-na ay u baddalaan wax muuqda.

Waxaa kale oo munaasabadda qalinjabinta ka hadlay shirkado, hay’ado, iyo aqoonyahan kala duwan, iyagoo ardayda ugu hambalyeeyey qalinjabinta iyo guusha ay gaareen.

Intaas kaddib waxay ardaydu bixiyeen abaalmarino iyo shahaadooyin ay ugu talo galeen maamulka iyo macallimiintooda, iyadoo ay xafladdu kusoo dhamaatay farxad ay dareemayeen dhamaan joogayaashii xafladda.

Ugu dambeyntii waxaa soo xiray xafladda guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bari (Axmed Cabdulaahi Cali Cirro), wuxuuna ardayda usoo jeediyey in ay hormuud unoqdaan dhalinyarada, ayna u horseedaan waxqabad, waxbarasho, Iyo wax soo saar.

Maalin Isniin ah (09-05-2016)

1

2cff76ce-32ae-41a6-88f1-5d7421a00a78

4ad58d04-fabc-459c-829e-b93ece87e270

6bab5339-49a8-402b-8559-9f0f94b7881a

6c115e95-1dbc-4e74-a620-879281a96bfe

6dddfe74-1620-44f8-bd71-96f524377ab3

8f02e72f-44ac-49df-87ee-a0958053b97b

8fa15691-8bca-46bd-86ac-95ce414893f3

8fb01e3d-bc08-454e-85e6-e53d9a8b0c5e

9c3fca25-0f95-49b4-a165-c385650fc452

54dfa04c-cf01-4b83-adbb-f5a6377f1c7a

97aa1dc5-df9c-4be7-8f8b-799fa0037b2b

260cb053-1f6c-4f24-9fc0-6c30b3d258f3

296d8a03-d297-4c64-b6d3-8229f98ef7f4

0366fcd2-c1c5-4739-a3a1-3b57ca5b0462

540ccb7a-9977-4b5a-a43b-8b1eb79d0746

694c95b5-62a0-43ea-bb44-92574aba6e5d

6443b0c3-3394-434a-8229-a2cc8b7f40af

8391ad9a-94bf-4657-bff4-0bb5205226d5

9667a924-42d2-48e7-9847-6360c9ef2fb1

6142473d-52d1-495e-a383-93cdba0e9ca7

21949062-669a-4068-a832-cfb070df170e

63408127-fbd4-45cd-b3a3-97fffe4ff0ba

a83da25e-4627-46bf-b123-ae7d7c1c321a

a5228c8e-e989-4b1f-9b28-e311e756030f

b37e2059-e2b4-483f-826f-63d6fd397fc1

c1ae8bd6-3117-4073-922e-4e870d0b605d

c5851cf0-bd51-45fa-aaf6-23a41fe8024e

cb89f3d8-be62-4453-9507-2d6c73d05fec

d227f477-7d73-416f-bd12-4b4e9fbfad6f

d4955f40-653c-466c-8b95-3c1e3d532ce9

e1833ad1-8056-4a24-9fd5-9539923b149f

eb40bc02-7e82-4efd-9599-fa2982ad2ec6

fbad73ea-9e14-4dd8-9a80-2b9f1e656acd

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *