Xafladda qalin-jabinta dufcadda 4aad ee ardayda Jaamacadda Bariga Afrika-Garowe

5

Xaflad si heersare ah loo soo agaasimey ayaa maantay waxaa lagu qabtay jaamacadda Bariga Afrika-Garowe , xafladdaan waxaa ku qalinjabinayey arday tiradoodu tahay 140  arday , oo ka kala qalin-jabiyey kulliyadaha kala ah:

  1. Maamulka iyo Maaraynta (Business Administration)
  2. Kulliyadda Horumarinta bulshada (Community Development)
  3. Kulliyadda maamulka guud (Public Administration )
  4. Kulliyadda Shareecada Islaamka
  5. Kulliyadda Deegaanka (Diploma )
  6. Kulliyadda Culuumta Computer-ka

Xafladda qalinjabinta ardayda Jaamacadda waxaa ka soo qaybgalay madax ay ka mid yihiin Mudane Xuseen Xaaji Yaasiin guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Puntland, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Proff: Abshir Aw-Yusuf , Wasiir ku xigeenka waxbarashada Dr. Maxamed Cali Faarax, Islaan Ciise Islaan Maxamed, duqa degmada Garowe Xasan Goodir iyo kuwa kale.

Madaxda ayaa ku dheeraatay horumarka ay jaamacaddu tiigsanayso iyo waxa ay bulshada u qabatay, waxayna u rajeeyeen ardayda iyo maamulka Jaamacadda horumar iyo guul.

Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf guddoomiyaha Faraca iyo Sh. Maxamed Cabdullahi Xoosh ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ardaydaasi qalin-jabiyeen ayna dhammaystireen dhammaan shuruudihii qalin-jabinta Jaamacadda.

Ardaydan ka qalinjabiyey Jaamacadda ayaa ah dufcaddii afaraad ilaa inta la hirgaliyey faracaan 2009 , tirada guud ee ka qalinjabiyeyna waxay gaarayaan 530 arday, kuwaas oo ka shaqeeya xarumaha dawladda, hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo shirkadaha ganacsiga, halka kuwo kalena ay diyaariyeen shahaadooyinka sarsare ee Master iyo PHD.

6

2 10783 4 5

9
12 13 14 15 16

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *