Wafdi kasocda Jaamacadda oo booqday Raabidada Jaamacadaha Islaamka

Wafdi kasocda Jaamacadda Bariga Afrika oo uu hogaaminayo Dr Maxamed Faahiye – Hormuudka Arrimaha Ardayda, ayaa booqday raabidada jaamacadaha islaamka, isagoo la kulmay Kaaliyaha xoghayaha guud ee raabidada Dr Ismaaciil Shaahiin.
Kulanka dhexmaray Wafdiga jaamacadda iyo Raabidada ayaa ahaa mid lagu adkeynayey xiriirka labada dhinac, iyadoo jaamacaddu xubin dhamaystiran ka ah raabidada.
Sidoo kale wuxuu wafdigu booqday Xarunta Sheekh Saayid ee barashada carabiga oo xarunteedu tahay Jaamacadda Al Azhar, iyo xarumo waxbarasho oo kale.
Waxaa xusid mudan in jaamacaddu xiriir fiican la wadaagto jaamacadaha dalka masar.