Shirwaynaha Caafimaadka Bulshada oo lagu qabtay Jaamacadda Bariga Afrika

Shirwaynaha Caafimaadka Bulshada oo lagu soo bandhigayay waxqabadka ardayda Kulliyadda Caafimaadka Bulshada (Public Health) iyo Cilmi baarisyo kala duwan ay sameeyeen ardayda Kulliyadda Public Health.

Shirwaynahan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxda Jaamacadda Bariga Africa, Wasaaradda Caafimaadka Puntland heer gobol, Xildhibaano, Waalidiin, Ganacsato, Aqoonyahan, Dumar , Macalimiin iyo arday farabadan oo ka kala tirsan Jaamacadaha Bosaso ku yaalla.

Ardayda Caafimaadka Bulshada ayaa sameeyey wacyi galino kala duwan ay u qabteen bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka bari iyaga oo wacyi galintaas kasoo sameeyey magaalaoyin kala duwan.

Sidoo kale wacyigalinta ayaa loo sameeyey qaxootigii kasoo qaxay Dalka walaalaha nahay ee Yaman iyo Barakacayaasha ku nool magaalada Bosaso.

Wacyi galintan (Awareness ) iyo Howl-qabadyadan (Intervention) ayaa waxaa lagu sameeyey dhowr mowduuc ay ka mid yihiin Naasnuujinta (Breastfeeding), Shuban biyoodka (Diarrhea), Nadaafadda (Hygiene), Cudurrada lakala qaado (Communicable Diseases), Daryeelka hooyada iyo Dhallaanka (Maternal and Child Health), Isticmaalka xarumaha caafimaadka (Health Seeking Behaviour) iyo Nafaqa-darrida (Malnutrition) iyo kuwa kaloo badan.

Waxaa kale oo lasoo bandhigay laba cilmi baaris oo lagu daabacay International Journals oo heer caalami ah oo lagaga hadlayay Waxyaalaha ka qaybqaata Xanuunka Shuban biyoodka (Factors related to Diarrheal Diseases) iyo Cunta Yarida (Food Security).

Gababagadii Hormuudka Kulliyada Caafimaadka Bulshada Mohamed Khalid Ali ayaa waxa uu ballan qaaday In Sanadka soo socda Jaamacadda Bariga Africa ay marti galin doonto Shirwaynaha Labaad ee Caafimaadka Bulsahda laguna casumi doono Dhamaan Wasaaradda Caafimaadka, Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxalliga ah oo daneeya arimaha caafimaadka.

Ugu danbayntii Shirwaynahan ayaa ah midkii ugu horeeyey noociisa oo lagu qabto Somalia loogana ariinsanayo Arimaha Caafimaadka Bulshada ee gobolkeena.
Untitled-1

12814061_562439157248316_6188818791262120284_n

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *