Kulliyadda Caafimaadka oo soo qaban qaabisay kulan ku saabsan deegaanka iyo cunnada

Kulliyada caafimaadka maamulka, macalimiinta, iyo ardayda oo ay weheliyeen ardayda xanaanada xoolaha semeter-ka 10aad iyo dufacadda engineering-ka u saraysa ayaa maalintii isniinta 14/3/2016 waxay soo qabanqaabiyeen oo soo jeediyeen seminar ka kooban 2 mawduuc oo kala ah:

1.Deegaanka
A. Faaiidada dhiraynta jaamacadda:
– Kobcinta bilicda iyo hawada jaamacada
– Tirada dhirta ay beereen ardaydu oo ilaa hadda gaaraysa 35 geed oo lagu kala beeray hool-ka shirarka jaamacada iyo dhismaha kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda.
– Tirada dhirta aan wali la beerin oo dhan 250 geed, loona beeri waayey biyo yaraan darteed, hadase la bilaabayo beeridooda.
B. Arday engineering-ka ka tirsan oo ballan qaaday inuu caws ku beeri doono 100m².

2.Cunnada iyo quudinta
A. Cunnadii soomaalidii hore oo ka koobnayd (caano, miraha duurka, haruur/masago, iyo hilib/cad “Caano iyo Cad”)
B. Cunnada soomalida maanta guryaha somalida waa baasto, bariis, hilib, khudaar iyo fawaakih.
C. Sharaxaad ku saabsan cunnooyinka dalka laga helo iyo waxtarkooda.
D. Xidhiidhka cunnada iyo caafimaadka.IMG_3130

IMG_3133

IMG_3122

IMG_3100

IMG_3146

IMG_3188

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *