Jaamacadda oo qabatay xafladdii soo dhoweynta ardayda cusub ee sanad jaamacadeedka 2016-2017

14570740_653257181499846_1979663684241235575_o

 

Maanta oo isniin ah (03-Oct-2016) waxay Jaamacadda Bariga Afrika u qabatay ardayda cusub ee kusoo biirtay jaamacadda sanad jaamacadeedka cusub (2016-2017) xaflad soo dhoweyn iyo xog is waydaarsi isugu jirtay, xafladaas oo ay jaamacaddu qabato sanad walba bilowgiisa ayaa waxay ka dhacday hoolka jaamacadda ee Dr Cabdulqaadir.

Ugu horreyn waxaa xafladda furay -aayadaha quraanka kaddib- guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Maxamed Maxamuud Ciise oo warbixin kooban siiyey ardayda, warbixintaas oo ku saabsanayd waxbarashada jaamacadeed si guud, iyo waxbarashada jaamacadda Bariga Afrika si gaar ah.

Siciid Axmed Baxwal oo ah madaxa diiwaangelinta jaamacadda ayaa dhankiisa wuxuu ka warbixiyey shuruucda jaamacadda ee ku aadan anshaxa, diiwaangelinta, imtixaanka, iyo xeerarka akaadeemiga aha, sidoo kale wuxuu ardayda macluumaad ka siiyey taariikhda jaamacadda, heerarka ay soo martay, kulliyadaha ay bixiso, iyo xiriirkeeda caalamiga ah.

Axmed Faarax Garaase oo ah madaxa xafiiska imtixaanka ayaa isna ardayda uga warramay shuruucda u gaar ka ah imtixaanka, iyo arrimo kale

waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay 2 arday oo kamid ah ardayda cusub ee lasoo dhoweeyey, ardaydaas oo uga mahadceliyey jaamacadda soo dhoweynta quruxda badan ee ay kusoo dhoweeyeen, iyagoona ballan qaaday inay fulin doonaan shuruucda jaamacadda siday u dhantahay.

intaas kaddib waxaa xafladda soo xiray guddoomiyaha Jaamacadda Dr. Aadan Sheekhdoon Cali, isagoo si faahfaahsan uga hadlay horumarka ay jaamacaddu gaartay dhan walba, uguna yeeray ardayda inay ka faa’idaystaan fursadaha kale ee ay jaamacaddu bixiso sida dibloomooyinka iyo tababarada.

14570740_653257181499846_1979663684241235575_o

14449029_653256938166537_3534860049042243388_n 14462989_653256871499877_3459268496002303254_n 14469611_653257018166529_1694727989856186397_n 14479621_653256974833200_6266202218191479956_n-1
14495306_653257118166519_1189692680683827011_n 14522998_653256898166541_4670633864922777265_n-1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *