Jaamacadda oo abaal-marino guddoonsiisay ardaydii ku guulaysatay tartankii hiddaha & dhaqanka

Hoolka weyn ee Jaamacadda ayaa lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, oo ay ka soo qaybgaleen qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo Ardayda Jaamacadda iyo marti sharaf kale, xafladdan ayaa ahayd mid lagu maamuusayay ardaydii hal-abuurrada kala duwan ku tartamayey ee ka qaybgalay Kal-dhaqameedki 2aad, iyo sidoo kale kulliyadihi iyaguna ku guulaystey kaalimaha hore ee soo badhigay dhaqanka Soomaalida.
Xafladda ayaa ahayd mid si aad ah loo soo habeeyey, lagana soo jeediyey Suugaan, Maad iyo hadallo qiima leh, gabagabdiina waxa la soo gaarey bixinta abaal marinnada kala duwan, taasoo ahayd lacag caddaan ah oo Jaamacaddu ugu tala gashay in lagu dhiirri geliyo ardayda iyo kulliyadaha ka qayb qaatay tartanka.
Waxay kusoo gabagabowday farxad ay muujiyeen ardayda ku guulaysatay abaal marinada, iyo dhamaan kasoo qeyb galayaasha.
Guud ahaan waxay jaamacaddu dhiirigalin iyo bogaadin u sameysaa ardayda hanka iyo hal-abuurka leh, iyadoo ku bixisaa abaal marino iyo shahaadooyin intaba.

16 - 10

16 - 9

16 - 13

16 - 22

16 - 34

16 - 31

16 - 30

16 - 29

16 - 8

16 - 3

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *