Heshiis dhexmaray Jaamacadda Bariga Afrika & Jaamacadda Kampala

Jaamacadda Bariga Afrika iyo Jaamacadda Kampala (East Africa University & Kampala University), ayaa heshiis uu ku dhexmaray magaalada Boosaaso ee xarunta jaamacadda.

Munaasabada lagu kala saxiixday heshiiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa Maamulka Jaamacadda Bariga AFrika iyo Mas’uuliyiin ka socday Jaamacadda Kampala, waxaana heshiiska dhexmaray labada Jaamacadood oo ugu dambayn la kala saxiixday uu soo socday illaa sanadkii 2015-ka.

Guddoomiyaha Jaaamacadda Bariga Afrika Dr. Aadam ShiikhDoon Cali oo ka hadlay Munaasabada, ayaa sheegay in labada Jaamacadood ay iska kaashan doonaan wax badan, isla markaana uu heshiisku soo kordhin doono in labada Jaamacadood ay wax badan wadaagan.

”Waxaa farxad wayn noo ah innaan maanta halkan ku kala saxiixano Iskaashi ka dhexeeya labada Jaamacadood ee kala ah Bariga Afrika iyo Jaamacadda Kampala, labadaas Jaamacadood oo iska kaaashanaya Sayniska, arrimaha Jaamacadda iyo Isweydaarsiga Maclumaadka guud ee labada Jaamacadood iyo meel kasta oo ay labada Jaamacadood ka wadaagan dano isku mid ah” Ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Wuxuu intaas ku daray”…..Waxaan isweydaarsanaynaa Cilmi baarista, Ardayda iyo Casharada, barnaamijyada aan isla garanay waxaa ka mid ah in Ardaygu uu sii wato Aqoonta Master Degree-ga, Computer Science, Mass communication iyo in aan kor u qaadno luqada Ingiriiska oo aan samayno xarun xagga luuqada ah, waxaan u mahadcelinayaa labada masuul ee naso booqday”

Madaxda Diiwangelinta Jaamacada Kampala Prof. Xamsa oo ka mid ahaa Mas’uuliyiin ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay heshiiska dhexmaray labada Jaamacadood.

”Waxaan hormarin doona xiriirkeena, waxaan kor u qaadi doona hormarinta luqada iyo Cilmi baarista, aad bay noo dhiiri gelinaysaa arrintan’’

Heshiiskan ay wada gaareen jaamacadda bariga afrika iyo jaamacadda Kampala University ayaa kamid noqonaya heshiisyo taariikhi ah oo ay jaamacaddu la gashay jaamacadaha afrika iyo caalamka-ba.

3-16 7-12 8-8 dsc03406