HESHIIS DHEXMARAY JAAMACADDA BARIGA AFRIKA IYO LINCOLN UNIVERSITY COLLEGE-MALAYSIA

2

Jaamacadda Bariga Afrika – Soomaaliya iyo jaamacadda Lincoln University College-Malaysia  ayaa magaalada Garowe ku kala saxiixday heshiis ah  in Labada jaamacadood ay iska kaashadaan aqoonta sare ee Master-ka.

Waxayna Labada jaamacadood ku heshiiyeen in ay wada bilaabaan kuliyaddaha kala ah:
1. Social work
2. Public administration
3. Nursing major Public Health
4. Business administration Major Human Resource Management
5. 4. Business administration Major Islamic Banking and finance

Dr. Amiya, guddomiye Ku Xigeenka jaamacadda Lincoln ayaa ka warbixiyey iskaashiga Labada jaamacadood Iyo guulaha ay jaamacaddiisu ku tilaabsatay,  wuxuuna sheegay ardayga wax ka baranaya EAU inuu lamid yahay arday wax ka baranaya gudaha jaamacadda Lincoln.

Sh. Maxamed Godane Xoosh oo kamid ah aasaasayaasha  jaamacadda Bariga Afrika ayaa tilmaamay sida ay diyaar ugu tahay jaamacaddu in barnaamijyadaas umadda looga faaideeyo.

Goobta waxaa dhiirigalin iyo hanbalyeyn ka jeediyey wasiirka tacliinta sare Pro. Abshir  Yuusuf Ciise Iyo agaasimaha wasaaradda Maxamed Cabdiqaadir waxayna sheegeen in ay markhaati ka yihiin saxiixa ayna bulshada ugu baaqayaan in ay ka faaidaystaan waxbarashadaan.

Guddomiye Ku Xigeenka guud ee Jaamacadda Bariga Afrika Mudane Maxamed Maxamuud Ciise Iyo Dr. AMIYA ayaa heshiiska qalinka ku duugay.

2

1

3 4 5 6 7 8 9 10 11 12

2 Responses to HESHIIS DHEXMARAY JAAMACADDA BARIGA AFRIKA IYO LINCOLN UNIVERSITY COLLEGE-MALAYSIA

  1. bm says:

    ardyga east Africa university dhameeyay shahdadiisa ma aqoonstahy jamcda Lincoln. thnks

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *