54 arday oo ka qalinjabisay kulliyadda shareecada ee Jaamacadda Bariga Afrika

13220674_957995674270233_1264805906794244699_o

Xaflad si wayn loosoo agaasimay isla markaana lagu sagoontinayay 54 arday oo dhamaysatay kulliyada Shareecada ee Jaamacadda Bariga Afrika ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda ee Magaalada Bosaso.

Xafladdaan oo Ahayd mid si wayn loosoo Qurxiyay Waxaa kasoo Qayb galay maamulka Sare ee Jaamacadda Bariga Afrika, Maamulka Gobolka Bari , Masuuliyiin ka Socotay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, Qaar ka mid ah Isimada ugu caansan Puntland, Waalidiin iyo Ardayda Qalinjabisay.

Ugu Horrayn Guddoomiye ku Xigeenka Jaamacadda Bariga Afrika Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa ardayda ugu Hambalyeeyay Guusha ay ka Gaareen Waxbarashadooda,

Sidoo kale qaar kamida Ardayda qalinjabisay oo goobta ka Hadlay ayaa Maamulka Jaamacada Bariga Afrika ku amaanay adeegyadii waxbarasho ee ay soo Siiyeen waxayna sheegen inay aad ugu Faraxsan yihiin inay maanta qalinjabiyaan,

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Mudane Maxamed Caydiid oo isna Goobta hadal kasoo jeediyay wuxuu Ardayda kula Dar dardaarmay inay Waxbarashada Sii wadaan oo aysan halkaas uga Harin.

Shiikh Maxamed Macalin oo isna Kamid ah Culimada waa wayn Ee Gobolka Bari ayaa Ardayda Baratay Shareecada islaamka kula Dar daarmay Faafinta Qawlka Alle ee ay Barteen.

Ugu Danbayntii Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Gobolka Bari ayaa Xafladda soo Xiray, wuxuuna Ardayda baratay Shareecada Islaamka ku Amaanay inay doorteen Barashada Diinta Islaamka.

Ardayda Qalinjabisay Ayay Tiradooda guud Ahayd 54 arday, waxayna Kala Ahaayeen 30 wiil iyo 24 gabdhood, Waxayna haatan soo afjareen 4 sano oo ay Waxbarasho iyo Dadaal ku soo Jireen.

13220674_957995674270233_1264805906794244699_o
9b5a663b-9f46-4f08-81dd-582284a36ae5 86b1ff67-609f-44cc-9c69-f7729ab5a990
cdd82d9e-ced1-4820-9aab-35bd5cbb474a d85d86f9-ddfc-4899-962b-24d98f079b5507a76922-f7e6-449d-a101-2a032aa3192c96a59643-1b07-42e0-be21-ae1682c9cce2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *