Dufcaddii 2aad ee kulliyadda Caafimaadka Bulshada oo ka qalinjabisay Jaamacadda Bariga Afrika

40 arday oo 24 kamid ah ay gabdho yihiin ayaa waxay xaflad qalinjabin ku qabsadeen hoolka (Dr Cabdulqaadir Maxamed Cabdalle) ee Jaamacadda Bariga Afrika, ayagoo halkaas ku guddoonsiiyey macallimiintooda iyo maamulkaba shahaadooyin iyo abaal-marino.

Maxamed Khaalid oo ah hormuudka kulliyadda caafimaadka bulshada ee Jaamacadda oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa ardayda waxaa uu ugu hambalyeeyey qalinjabinta ay uga gudbeen marxalad noloshooda kamid ah, isagoo usoo jeediyey inaan laga harin waxbarashada, ee lasii wado.

Maxamed Maxamuud Ciise oo ah guddoomiye ku xigeenka JBA ayaa sidoo kale ku booriyay ardayda in ay dalka horumar ku soo kordhiyaan ,isagoo sidoo kalena xusay in Jaamacaddu ay garab istaagayso heer walba oo ay higsanayaan.

Cabdinaasir Siciid Muuse oo kamid ah hormuudyada jaamacadda ayaa u hambalyeeyey ardayda qalinjabisay, una sheegay in ay jaamacaddu ka sugayso aqoontii ay barteen in ay dib ugu celiyaan bulshada.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ku hadlayey kalmada isimada la dardaarmay ardayda, isagoo usoo jeediyey talooyin kana hadlay kaalinta dhalinyarada aqoonta leh ay ku yeelan karaan horumarinta bulsahada.

Cabdiraxmaan Dayax oo kalmadda ganacsatada ku hadlayey ayaa ardayda u sheegay in shirkaduhu ay soo dhoweynayaan ardayda qalinjabisay, sidoo kalena ardayda looga baahan yahay in ay sii wadaan aqoontooda, ayna daboolaan baahida dalku u qabo aqoonyahan dhalinyaro ah.

Ugu dambeyntii munaasabadda waxaa lagusoo gabagabeeyey abaal-marino ay ardaydu ugu talo gashay macallimiinta iyo maamulka iyo marti sharaf kale.

(Maalin Talaado ah 03-05-2016)

<imgsrc=”http://eastafricauniversity.net/en/wp-content/uploads/2016/05/13043545_10207996971815961_5886917094876286674_n.jpg” alt=”13043545_10207996971815961_5886917094876286674_n” width=”960″ height=”720″ class=”aligncenter size-full wp-image-4331″ />

13082730_10207996970735934_2439916105446318246_n

13082762_10207996970495928_5178589013161085698_n

13087533_10207996970335924_7711158928349561187_n

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *